Midowga Afrika Oo Maanta ka Shiraya Xaalada Soomaaliya

0

Golaha amniga iyo nabadeynta  midowga afrika ayaa waxa uu maanta kulan xasaasi ah ka yeelanayaa xaalada ka kiran ee doorashada dalka iyo muranka ka taagan siyaasada soomaaliya

kulankaan ayaa waxa uu goluhu ku doonayaan in uu qeyb kaga qaatay xalinta khilaafaadka hareeyay arimaha doorashooyinka soomaaliya ,waxaana la tilmaamay in uu yimid  shirkaan  kadib markii uu madaxweyne maxamed cabdulaahi farmaajo uu dhawaan tagay dalka Dr  koongo  islamarkaasna uu gudoomiyaha midowga afrika uu ka dalbaday in ay dhaxdhaxaadinayaan xubnaha mucaaradka  iyo madaxda dowladda

golaha midowga afrika  ayaa waxa la filayaa in shirkooda kadib ay soo saaraan qodobo lagu dhaxdhaxaadinayo islamarkaasna xal loogu raadinayo xaalada siyaasada soomaaliya oo mudooyinkii dambe uu is qabqabsi xoogan ka taagnaa

sidookale kulankaan midowga afrika uu ka yeelanayo xaalada soomaaliya ayaa waxa la tilmaamay in uu daba socdo kulan dhawaan ay yeesheen golaha amaanka qaramada midoobe uu ka yeeshay xaalada siyaasada soomaaliya oo ku baaqay in dib loogu laabto wadahadalada teendhada afisiyooni ee madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah

xubnaha mucaaradka dowladda oo iskugu jira qaar ka mid ah madaxweynaha maamul goboleedyada dalka iyo midowga musharaxiinta ayaa si aad ah u diidan muddo kordhinta loo sameeyay hay,adaha kala duwan ee dowladda

waxaana ay sheegeen in marnaba aysan aqbali doonin wax aan ka aheeyen  in doorasho dalka ka dhacada  laqabto

saaxiibada beesha caalamka ayaa waxa ay wadaan dadaalo kala duwan oo ay doonayaan in lagu xaliyo khilaafka ka dhaxjira hogaamiyaasha soomaaliyeed taasi oo ka dhalatay arimaha doorashooyinka dalka

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here