Golaha amniga iyo nabadeynta midowga afrika ayaa waxa uu maanta kulan xasaasi ah ka yeelanayaa xaalada ka kiran ee doorashada dalka iyo muranka ka taagan siyaasada soomaaliya
kulankaan ayaa waxa uu goluhu ku doonayaan in uu qeyb kaga qaatay xalinta khilaafaadka hareeyay arimaha doorashooyinka soomaaliya ,waxaana la tilmaamay in uu yimid shirkaan kadib markii uu madaxweyne maxamed cabdulaahi farmaajo uu dhawaan tagay dalka Dr koongo islamarkaasna uu gudoomiyaha midowga afrika uu ka dalbaday in ay dhaxdhaxaadinayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxda dowladda
golaha midowga afrika ayaa waxa la filayaa in shirkooda kadib ay soo saaraan qodobo lagu dhaxdhaxaadinayo islamarkaasna xal loogu raadinayo xaalada siyaasada soomaaliya oo mudooyinkii dambe uu is qabqabsi xoogan ka taagnaa
sidookale kulankaan midowga afrika uu ka yeelanayo xaalada soomaaliya ayaa waxa la tilmaamay in uu daba socdo kulan dhawaan ay yeesheen golaha amaanka qaramada midoobe uu ka yeeshay xaalada siyaasada soomaaliya oo ku baaqay in dib loogu laabto wadahadalada teendhada afisiyooni ee madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah
xubnaha mucaaradka dowladda oo iskugu jira qaar ka mid ah madaxweynaha maamul goboleedyada dalka iyo midowga musharaxiinta ayaa si aad ah u diidan muddo kordhinta loo sameeyay hay,adaha kala duwan ee dowladda
waxaana ay sheegeen in marnaba aysan aqbali doonin wax aan ka aheeyen in doorasho dalka ka dhacada laqabto
saaxiibada beesha caalamka ayaa waxa ay wadaan dadaalo kala duwan oo ay doonayaan in lagu xaliyo khilaafka ka dhaxjira hogaamiyaasha soomaaliyeed taasi oo ka dhalatay arimaha doorashooyinka dalka

