warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo qasaare kala duwan geeystay oo gordhaweyd ka dhacay degmada deyniile ee gobolkaani banaadir
qaraxaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa miino ,waxaana uu ka dhacay xaafada daaru salaam ee muqdisho
wararka aan ka helayno deegaanka daaru salaam ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay masuuliyiinka ka tirsan maamulka degmada deyniile
qaraxa waxa ka dhashay khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
inta la xaqiijiayay waxa qaraxaasi ku dhintay gudoomiye ku xigeenkii siyaasada mamulka degmada deyniile
wali maamulka gobolka iyo kan degmada deyniile kama hadlin qaraxaani maanta ka dhacay deegaanka daaru salaam ee magaalada muqdisho duleedkeeda kuyaala
Halkaan kala soco wixii kusoo kordha

