Al-shabaab Oo La Wareegay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Mudug

0

Rag hubaysan oo katirsan dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa si dagaal la,aan ah kula wareegay gacan heynta deegaanka ka tirsan gobolka Mudug.

Wararka ka imaanaya gobolka mudug ayaa sheegaya in xubno ka tirsan al-shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacanta ku heynta deegaanka  Bacaadweyne ee gobolka mudug.

Al-Shabaab wararka ay ku baahiyaan dhinaca barahooda interneetka waxa ay ku sheegteen in dhowr jiho kasoo galeen deegaanka bacaadweyne  waxaana  ay sheegeen in si diirran ay usoo dhoweeyeen dadka deegaanka.

Iyagoo  intaas ku daray in xaaladdu ay tahay mid deggan islamarkaasna  la dareemayo  isbedel dhan walba ah

La wareegida al-shabaab ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xilli Khamiistii todobaadkii ina  dhafay ay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka galmudug ay  iskaga baxeen deegaanka Bacaadweyne iyagoo aaday dhanka magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here