Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, oo xlay kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada Jubaland ayaa waxaa uu uga warbixiyay xaalada dalka iyo sax ahaanshiyaha Muddo kordhinta Dowlada wakhtigeedu uu dhamaaday iyo sida ay dowladdu ugu fashilantay hirgalinta doorashooyin loo dhan yahay.
Madaxweyne axmed madoobe ayaa suaal galiyay oo dhaliilay shaciga lagu meelmariyay muddo kordhinta loo sameeyay ha,adaha dowladda ,waxaana uu sheegay in arin taasi aysan aheyn mid sax ah isagoo ku sababeeyay in xildhibaanada golaha shacabka oo waqtigoodu dhamaaday aysan ansixin Karin shaci intaasi la,eg
Waxa kaloo uu carabka ku dhuftay madaxweynaha jubbaland in ay qalad aheyn in lalaalay heshiiskii 17 september islamarkaasna loo yeeray guddimyaha guddiga doorashada xaliima yarey oo dhinaceedu waqtigeedu dhamaaday islamarkaasna aan loo kordhin Karin
Madaxweynaha juubaland axmed maxamed islaam axmed madoobe ayaa sidookale waxa uu xusay in loo baahnaa in shaciga la,ansixinayo ay wada aqbalaan labada aqal ee barlamaanka balse aysan taasi dhicin
Madaxweyne farmaajo ayuu ku eedeeyay in uu sida uu doono ka yeelayo dad yar oo isaga raacsan
Waxaana uu sheegay in aan la aqbalayn muddo kordhintaasi oo dalku ay qasab tahay in doorasho uu aado
Madaxweyne axmed madoobe ayaa sheegay in cawaaqib xumo iyo in dalku uu burburo ay ka dhalan karto hadii muddo kordhintaasi lagu adkeysto
Dhinaca kale Madaxweynaha jubbaland ayaa Bulshada soomaaliyeed ugu baaqay inay sameeyaan wadatashi guud si looga dhabeeyo himilada shacabka
Islamarkaasna ay ka horyimaadaan oo ay iska celiyaan madaxweyne farmaajo oo uu ku tilmamaay digtaator ama kaligii taliye
hadalka madaxweynaha jubbaland ayaa imaanaya xili ay fashil kusoo dhamadeen shirarkii iyo wadahaladii madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada Fashilkaas oo dowladdu ay ku eedeeysay madaxweynayaasha jubbaland iyo puntland oo la tilmaamay in dhankooda ay waxkasocon waayeen islamarkaasna ay shirkasta xujo horleh lasoo fariisteen
Waxaana intaasi kadib muddo labo sano ah loo kordhiyay ha,adaha dowladda si ay dalka ugaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah

