Rag hubaysan oo katirsan dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa si dagaal la,aan ah kula wareegay gacan heynta deegaanka ka tirsan gobolka Mudug.
Wararka ka imaanaya gobolka mudug ayaa sheegaya in xubno ka tirsan al-shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacanta ku heynta deegaanka Bacaadweyne ee gobolka mudug.
Al-Shabaab wararka ay ku baahiyaan dhinaca barahooda interneetka waxa ay ku sheegteen in dhowr jiho kasoo galeen deegaanka bacaadweyne waxaana ay sheegeen in si diirran ay usoo dhoweeyeen dadka deegaanka.
Iyagoo intaas ku daray in xaaladdu ay tahay mid deggan islamarkaasna la dareemayo isbedel dhan walba ah
La wareegida al-shabaab ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xilli Khamiistii todobaadkii ina dhafay ay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka galmudug ay iskaga baxeen deegaanka Bacaadweyne iyagoo aaday dhanka magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado.

