Midowga Musharaxiinta Oo Ka Digay In Muddo Kordhin la sameeyo

0
Golaha midowga musharaxiinta ayaa waxa ay ka digeen in mudddo kordhin loo sameeyo madaxda dowladda oo waqtigooda dastuuriga ah dhamaaday
gudoomiyaha midowga musharaxiinta sheikh shariif sheikh axmed oo shir jaraa,id qabtay ayaa waxa uu sheegay in dalkaan ay ka jirtay in xilku uu yahay qoi isku dhiib ,waxaana uu ka digay in xoog iyo boob lagu sameeyo doorashada oo muddo kordhin lasameeysto
“Waxaan ka digeynaa isku day kasta oo lagu doonayo muddo kordhin sharci darro ah maadaama waqtigii uu ka dhacay Madaxweynaha, goloyaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe.
Waxaa kaloo nasiib darra ah, iyadoo ay ku beegan tahay munaasabadda Ciidanka Xoogga Dalka ee 12 April in madaxtooyadu isku daydo in ay ku boobto awoodda ciidanka muddo kordhin aan sharci ahayn, taasoo keeneysa in dib loogu laabto dariiqii xumaa ee laga yimid.
Waxaan aaminsanahay inay tahay Khiyaano Qaran in iyadoo doorashada laga heshiin karay oo ay dowladdu dayacdey in maanta la isku dayo muddo kororsi, waxaana leenahay hogaanka dowladda waqtigeedu dhamaadey waad ambateene soo noqda, oo Soomaaliya ha u horseedina inay dib ugu laabato wixii laga yimid.
Dalkaan ma qaadi karo xil kordhin iyo boob doorasho, dhaqaala ahaan, siyaasad ahaan iyo amni ahaanba, waa dal dowladnimadiisa weli ay curdan tahay, oo ubaahan in laga fikiro cawaaqibka xun ee ka dhalan kara talaabooyinka aan ka fiirsashada lahayn ee madaxdii hore ay ku dhaqaaqayaan.
Waxaan leenahay umadda Soomaaliyeed, Maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe, iyo Beesha Caalamkuba ha ogaadeen wixii ka dhasha muddo kororsigaas in aan lala wadaagi doonin Madaxdii hore ee ku fashilantay dowladnimadii lagu aaminay.
Hadalka midowga musharaxiinta ayaa waxa uu imaanaya xili maantay ay xildhibaanada golaha shacabku yeelanayaan kulan looga hadlayo arimaha doorashooyinka dalka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here