Dowladda ayaa waxa ay saakay xirtay wadooyinka waaweyn ee gala madaxtooyada qaranka iyadoona maanta la filayo in uu dhaco kulan baqdin laga muujiyay oo ay yeelanayaan xildhibaanada golaha shacabka
ciidamo fara badan oo wata hub iyo gaadiidka dagaalka nuucyadiisa kala duwan ayaa lagu arkayaa wadooyinka qaar ee muqdisho ,waxaana ay ciidamada diidayaan in wadooyinka ay isticmaalaan dadka gaadiidka intaba
Waxaana wadooyinka qaar ciidanku ay sameenayaan baaritaano kala duwan oo lagu sameenayo dadka iyo gadiid
kulanka xildhibaanada ayaa waxa uu yahay mid si aad ah looga cabsi qabo iyadoona laga warwarsanayahay in xildhibaandu ay si xoog ah ku maquuniyaan in muddo kordhin loosameeyo
dowladda jirta oo muddo xileedkooda shaciga ah uu dhamaaday ,waxaana jira intaas badalkeeda ay dadka cabsida xoogan qabaa ay muujinayaan in dalka doorasho uu aado
arinta kulanka maanta ayaa digniino farabadan laga soo saaray ,waxaa loogu baaqay xioldhibaanada in aysan dalka galin xaalad uusan kasoo kaban karin oo dab ah

