Golaha Shacabka Oo Maanta Yeelanaya Kulan Muddo Kordhin Looga Baqdin Qabo

0
Xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka faderaalka soomaaliya  ayaa maanta waxa ay yeelanayaan kulan xasaasi ah oo walaac xoogan laga muujiyay
xildhibaanada golaha shacabka ayaa goor hore oo xalay ah loo diray fariimo ku saabsan kulanka maanta ee xildhibaanada kaasi oo si aad ah kaga duwan kuwii hore
waxaana la filayaa in ay xildhibaandu ay dhamaantood ay ka qeyb galaan kulanka marka laga reeb xildhibaano la ganaaxay oo horay arbushaad u sameeyay
Agendaha kulanka xildhibanada golaha shacabka ee maanta ayaa ah Ka doodista Mooshin ku saabsan Doorashooyinka Qaranka
amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay ,iyadoona  xildhibaanada la faray in ay kulanka soo xaadiraan 9:oo suabax nimo
Xildhibaanada qaar ayaa gudoomiyaha golaha shacabka ku eedeeyay in uu damacsan yahay in uu muddo kordhin u sameeyo madaxda dowladda islamarkaasna mar ay sigooni ah ugu tageen uu u sheegay in  hadii muddo kordhin lasameeynayo uu fariinteeda si cad ula wadaagayo
waxa ay intaasi ku dareen in gudoomiyaha uu horay ugu sheegay in hadii ay fashilmaan kulamada madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada ay xildhibaanadu go,aamin doonan
xubnaha mucaaradka dowladda ayaa iyagu gudoomiye mursal ku eedeeyay in uu ku shaqeynayo kaliya awaamiita madaxweyne maxamed cabdulaahi farmaajo
lama oga waxakasoo bixi kara kulanka maanta oo cabsi xoogan laga muujinayo oo ku aadan in muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowladda oo waqtigoodu dhamaaday

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here