Maamulka puntland ayaa waxa uu madaxda dowlada faderaalka ah ugu baaqday in ay dib ugu soo laabtaan wada xaajoodkii shirka teendhada afisiyooni uga socday madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada
Afhayeenka madaxtooyada puntland jaamac yuusuf damaraani oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa interneetka ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne farmaajo ay ugu baaqayaan in uu kusoo laabto miiska wadahada lada waxaana uu xusay in puntland ay diyaar u tahay in lasii amba qaado wadahadalada islamarkaasna ay wali ku sugantahay gogosha wadahadalada
afhayeenka madaxtooyada puntland ayaa waxa uu intaasi ku daray in uusan fashilmin shirkii afsiyooni madaxda dowladana ay ka dalbanayaan in lasii ambaqaado shirka
warkasoo baxay madaxtooyada puntland ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili lagu kala kacay shirkii madaxda dowlada iyo maamul goboleedyada uga socday afisiyooni islamarkaasna xukuumadu ay ku eedeesay in ay fashiliyeen madaxweynayaasha maamulada puntland iyo jubbalnd


