Ismaciil Cumar Geele Oo Markii Shanaad Ku Guuleystay Doorashada Dalka jabuuti

0

Madaxweynaha jamhuuriyada  jabuuti ismaaciil cumar geele ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee ka dhacay dalka jabuuti iaydoona markaan ay u aheyd markiisii shanaad oo uu noqdo madaxweynaha wadankaasi

wasiirka arimaha gudaha jabuuti  Muumin Axmed Sheekh oo  ku dhawaaqay natiijada doorashadan ayaa waxa uu sheegay in ismaiil cumar geele uu helay codad gaaraya 98.41% halka uu sheegay in musharax kalana uu sheegay in uu helay codad gaaraya 1.59% .

madaxweynaha jabuuti ismaiil cumar geele oo shalay ka hadlayay sida ay u dhacday doorashada ayaa waxa uu tilmaamay in doorashadu ay ku dhacday si nabdoon islamarkaasna ay haatan sugayaan kaliya natiijada doorashada

Zakariye ismaaciil faarax oo ahaa shaqsiga kaliyah ee la tartamayay madaxweynaha jabuutiya ayaa ahaa nin ganacsade ah oo ku cusub siyaasada dalkaasi jabuuti

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here