Dowladda Soomaaliya Oo Golaha Amaanka Qaramada Midoobe uga Digtay inay Soo Faragaliso Doorashada Soomaaliya

0

Dowladda Soomaaliya oo fariin jawaab ah gaarsiisay qaramada Midoobe ayaa waxa ay  sicad ugu sheegtay in aan lasoo faragalin arimaha gudaha Soomaaliya

Warqad qoraal ah oo kasoo baxday wasaarada arimaha dibada xukuumada faderaalka somaaliya islamarkaasna afka ingiriisiga ku qorneyd ayaa waxa lagu sheegay in Soomaaliya ay faragalin u aragto kulamada ay yeelanayaan golaha amaanka qaramada iyo ka hadalka doorashada Soomaaliya

Waxa kaloo loo sheegay in xukuumada Soomaaliya aan loo gacan dhaafin khilaafka arimaha doorashooyinka iyo  in iyadu ay xalisato  ismarin waaga taagan

Waxaanu Nahay Dal Madax-banaan Waxaan La Mid Nahay Dalalka Calamka Doorashada Somalia Waxaa Ka hadli Karaa Dadka Soomaaliyeed Oo kaliye” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasarada arimaha dibada Soomaaliya

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u aragtaa heshiiskii 17-kii Sebtember inuu saldhig u yahay Geedi socodka doorashada iyo talooyinka ay soo jeediyeen guddigii Farsamada Baydhabo ee 16ka Febraayo iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin.
 Iyada oo laga jawaabayo walaacyada la xiriira amniga doorashada, waxaan halkan ku xoojinaynaa in Guddi amaan oo Doorashooyinka Qaranka uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ay noqon doonaan kuwa farsaama ahaan wajaha arrimaha amaanka ee la xiriira doorashooyinka.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyada oo ka faa’iidaysanaysa fursadaan waxa qiraysa doorka iyo qiimaha golaha Amaanka ee Qaramada midoobe waxayna siinaysa tixgalin midda ugu saraysa.
Qoraalkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxaana ku saxiixnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaaq.

Hadalka kasoo baxay xukuumada Soomaaliya ayaa imaanaya xili mudooyinkii dambe ay bateen ka hadalka doorashada cakiran dalka oo ay ka hadlayaan dadka ajnabi ah

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here