Howlgalo Lagu Dilay Saraakiil Katirsan Al-Shabaab Oo Ka Dhacay Jubbada Hoose

0

Ciidamo ka tirsan dowladda oo ay wehliyaan ciidamada daraawiisha maamulka jubbaland ayaa howlgalo qorshaysan saacadiihii lasoo dhafay ka Fuliyay deegaano ka tirsan gobolka jubbada hoose

Howlgaladaan oo ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah koban, Araare,  Xero–Shiid  oo dhamaantood hoostaga  degaanka Buula –Gaduud ee Gobalka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamada dowlada ee Howlgaladaan hogaaminayay ayaa guulo ka sheegtay howlgalada ciidamadu ka fuliyeen deegaano dhaca gobolka jubbada hoose

Gudoomiyaha deegaanka buulo_gaduud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in howlgalada ay ku dileen 15 ruux oo iskugu jirta xubno iyo saraakiil ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab

Waxaana uu gudoomiyahu intaas ku daray in howlgalkaan oo ay isda wadajirka u fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka jubbaland u jeedkiisu uu ahaa sii ay ku xaqiijin lahaayeen amaanka deegaanada hooyimada deegaanka buulo _gaduud ee gobolka jubbada hoose

Ciidamada dowladda ayaa inta badan howlgalo ka dhanka ah al-shabaab ka sameeya  deegaanada gobolada jubbooyinka iyagoona sheegay in howlgaladaasi ay sii wadayaan inta aminaga ay ka xaqiijinayaan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here