Dowladda Soomaaliya oo fariin jawaab ah gaarsiisay qaramada Midoobe ayaa waxa ay sicad ugu sheegtay in aan lasoo faragalin arimaha gudaha Soomaaliya
Warqad qoraal ah oo kasoo baxday wasaarada arimaha dibada xukuumada faderaalka somaaliya islamarkaasna afka ingiriisiga ku qorneyd ayaa waxa lagu sheegay in Soomaaliya ay faragalin u aragto kulamada ay yeelanayaan golaha amaanka qaramada iyo ka hadalka doorashada Soomaaliya
Waxa kaloo loo sheegay in xukuumada Soomaaliya aan loo gacan dhaafin khilaafka arimaha doorashooyinka iyo in iyadu ay xalisato ismarin waaga taagan
Waxaanu Nahay Dal Madax-banaan Waxaan La Mid Nahay Dalalka Calamka Doorashada Somalia Waxaa Ka hadli Karaa Dadka Soomaaliyeed Oo kaliye” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasarada arimaha dibada Soomaaliya
Hadalka kasoo baxay xukuumada Soomaaliya ayaa imaanaya xili mudooyinkii dambe ay bateen ka hadalka doorashada cakiran dalka oo ay ka hadlayaan dadka ajnabi ah

