Laba Caruur ah Oo Lagu Gowracay Magaalada Beydhabo

0

warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dhacdo  naxdin leh oo xalay ka dhacday gudaha magaalada beydhabo ee xarunta gobolka bay taasi oo ku saabsan laba caruur oo da,doodu ay  aad u da,ayar oo la gowracay

aroornimadii saakay ayaa waxa dad ku dhaqan magaalada beydhabo ay kusoo tooseen meydka wii iyo gabar yar oo lagowracay islamrkaasna medkooda  jidka lasoo dhigay ,waxaana la sheegay in caruurtaan ay walidkoodu weysanayeen tan iyo shlay saakayna loo keenay maydkooda.

caruurtaan oo da,adooda lagu qiyaasay 4 jir  ilaa 5 jir ayaa waxa lagu kala magacaabijiray  iimaan aweys cabdulaahi iyo samiiro aweis cabdulaahi

aabaha dhalay caruurtaan Macalin Aweys Cabdulaahi ayaa waxa la sheegay in uu hada  ahaa ka mid ahaa culumada si aad ka ah looga garan ogyahay magalaada beydhabo ,waxaana sidookale uu soo noqday xildhibaan ka tirsanaa dowladda federaalka soomaaliya

lama oga ilaa iyo hada cida sida rasmiga ah ugu dambeysay falkaasi lagu gowracay caruurta yar yar

dhacdadaan ayaa noqotay mid si aad ah ay ugu  argagaxeen dadka ku dhaqan magaalada beydhabo islamarkaasna ay sheegeen in si aad ah ay uga naxeen walwalna ay ku abuurtay arintaani

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here