Madaxweynayaasha Galmudug Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele Oo Kulan La Qaatay Wakiilada Beesha Caalamka

0

Waxaa  xalay magaalada muqdisho gaar ahaana  xerada xalane kulan xasaasi ah ku  yeeshay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ee taageersan dowlada iyo xubno ka tirsan wakiilada beesha caalamka ee ku sugan magaalada muqdisho.

Masuuliyiiinta ayaa kawada hadlay arimo kusaabsan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo shirkii fashilka kusoo dhamaaday ee madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyadu ku yeesheen afsiyooni.

Xubnaha beesha caalamka oo iyagu waday dadaalada xalka loogu raadinayay arimaha doorashooyinka dalka ka dhacyo ayaa waxa ay madaxweynayaasha maamulada galmudug ,koonfur galbeed iyo hirshabeele ay kala hadleen halka wali dhibaatadu ay ka taaganatahay ee hortaaga in doorasho wada ogol ah ay qabsoonto

madaxweynaayasha ayaa wakiilada beesha caalamka lawadaagay in shirka ay fashiliyeen madaxweynayaasha maamulada puntland iyo jubbaland islamarkaasna aysan rabin in wax xal ah lagaaro

Waxaana beesha caalamaka ay ka codsadeen in la fasaxo si ay dib ugu laabtaan deegaanadooda maadaama shirarka lagu xalinayo arimaha doorashooyinka madaxweynyaasha qaar aysan rabin  in horay loo socodsiiyo.

wakiilada beesha caalamka ayaa dhankooda kasoo horjeestay in magaalada muqdisho laga tago iyada oo aan laga  heshiis arimaha doorashada ,waxaana wakiiladu ay xuseeen in loobaahyahay dul qaad iyo samir islamarkaasnaqofkii baxa ay u aqoonsanayaan cidda diidan heshiiska doorashada

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here