warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dhacdo naxdin leh oo xalay ka dhacday gudaha magaalada beydhabo ee xarunta gobolka bay taasi oo ku saabsan laba caruur oo da,doodu ay aad u da,ayar oo la gowracay
aroornimadii saakay ayaa waxa dad ku dhaqan magaalada beydhabo ay kusoo tooseen meydka wii iyo gabar yar oo lagowracay islamrkaasna medkooda jidka lasoo dhigay ,waxaana la sheegay in caruurtaan ay walidkoodu weysanayeen tan iyo shlay saakayna loo keenay maydkooda.
caruurtaan oo da,adooda lagu qiyaasay 4 jir ilaa 5 jir ayaa waxa lagu kala magacaabijiray iimaan aweys cabdulaahi iyo samiiro aweis cabdulaahi
aabaha dhalay caruurtaan Macalin Aweys Cabdulaahi ayaa waxa la sheegay in uu hada ahaa ka mid ahaa culumada si aad ka ah looga garan ogyahay magalaada beydhabo ,waxaana sidookale uu soo noqday xildhibaan ka tirsanaa dowladda federaalka soomaaliya
lama oga ilaa iyo hada cida sida rasmiga ah ugu dambeysay falkaasi lagu gowracay caruurta yar yar
dhacdadaan ayaa noqotay mid si aad ah ay ugu argagaxeen dadka ku dhaqan magaalada beydhabo islamarkaasna ay sheegeen in si aad ah ay uga naxeen walwalna ay ku abuurtay arintaani

