Kadib fashilkii Shirkii afisiyooni ayaa waxa lagu wada in madaxweynayaasha maamulada puntland iyo jubbalnd in saacadaha soo socda ay kulamo la qaataan wakiilada beesha caalamka,kulamadaas oo damba socda shirkii natiija la,aanta kusoo dhamaaday.
Xukuumada faderaalka iyo Maamulada jubbaland iyo puntland ayaa isku tuurtuuray cida leh eeda shirkii shalay fashilmay ee todobaadkaan ka furmay teendhada afisiyooni ee magaalada muqdisho.
madaxweynyaasha puntland iyo jubbaland iyo wakiilada beesha caalamka ayaa waxa la filayaa in ay kawada hadlaan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo siidii loo sii amba qaadi lahaa kulamada watashiga ah si meesha looga saaro khilaafaadka harreayay arimaha doorashooyinka
Saaciid dani iyo Axmed madoobe ayaa lagu eedeeyay in mar walba oo kulan ay ka qeyb galayaan ay layimaadan qodobo hor leh oo adag taasina ay keento in lais mari waayo oo dib u dhac uu yimaado
wakiilada beesha caalamka ayaa la filyaa in ay dhankooda kala hadlaan hogaamiyasha sabaabta loo dhameystiri la,ayahay heshiiskii 17,september 2020 iyo waxyaabaha hortaan
beesha caalamka ayaa iyadu mudooyinkii dambe waday cadaadiska in lasii wado wadahadala iyo in lagaaro heshiisyo ku qotoma in laqabto doorasho wada ogol ah ,arinta xiisaha badan ayaa ah tilaabada ay beesha caalamku qaadeyso madaama kulamada ay joogsadeen oo Lagu kala kacay

