Waxaa xalay magaalada muqdisho gaar ahaana xerada xalane kulan xasaasi ah ku yeeshay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ee taageersan dowlada iyo xubno ka tirsan wakiilada beesha caalamka ee ku sugan magaalada muqdisho.
Masuuliyiiinta ayaa kawada hadlay arimo kusaabsan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo shirkii fashilka kusoo dhamaaday ee madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyadu ku yeesheen afsiyooni.
Xubnaha beesha caalamka oo iyagu waday dadaalada xalka loogu raadinayay arimaha doorashooyinka dalka ka dhacyo ayaa waxa ay madaxweynayaasha maamulada galmudug ,koonfur galbeed iyo hirshabeele ay kala hadleen halka wali dhibaatadu ay ka taaganatahay ee hortaaga in doorasho wada ogol ah ay qabsoonto
madaxweynaayasha ayaa wakiilada beesha caalamka lawadaagay in shirka ay fashiliyeen madaxweynayaasha maamulada puntland iyo jubbaland islamarkaasna aysan rabin in wax xal ah lagaaro
Waxaana beesha caalamaka ay ka codsadeen in la fasaxo si ay dib ugu laabtaan deegaanadooda maadaama shirarka lagu xalinayo arimaha doorashooyinka madaxweynyaasha qaar aysan rabin in horay loo socodsiiyo.
wakiilada beesha caalamka ayaa dhankooda kasoo horjeestay in magaalada muqdisho laga tago iyada oo aan laga heshiis arimaha doorashada ,waxaana wakiiladu ay xuseeen in loobaahyahay dul qaad iyo samir islamarkaasnaqofkii baxa ay u aqoonsanayaan cidda diidan heshiiska doorashada

