
Dowladda faderaalka soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkii dhawaan ay ciidanka dowladdu al-shabaab kula galeen deegaanka bariire iyo degmada awdhiigle ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan dagaalamyaasha al-shabaab
War qoraal ah oo kasoo baxay dowldda ayaa lagu sheegay in sarkaal lagu magaacbo xuseen ganeey oo ka tirsan al-shabaab lagu dilay dagaaladii ka dhacay gobolka shabeelaha hoose
Dowladda ayaa sheegtay in sarkaalkaan uu al-shabaab u qaabilsanaa dhanka warbaahinta
Waxaana warka dowladda lagu xusay in xuseen ganeey oo aaha sarkaalka ladilay ay lasocdeen ilaa iyo 15 xubnood oo ka tirsanaa al-shabaab kuwaasi oo dowladdu tilmaantay in qaarkoodna ay dileen kuana ay dhaawac uga baxsadeen
Majirto wax wara oo kasoo baxay dagaalamayaasha al-shbaab oo looga hadlayo sheegashada dowladda ee ah in sarkaal sare ay al-shabaab kaga dileen dagaaladii ka dhacay deegaanka bariire iyo demada awdhiigle
Oo dowladda iyo alshabaab labduba ay guulo uga sheegteen
