Dowladda Oo Sheegtay In Ay Dileen Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Al-shabaab

0
Armed members of the militant group al-Shabab attend a rally on the outskirts of Mogadishu, Somalia Monday, Feb. 13, 2012. Thousands of Somalis gathered at a militant-organized demonstration on the outskirts of Mogadishu on Monday in support of the merger of the Somali militant group al-Shabab with al-Qaida, which was announced last week by al-Qaida leader Ayman al-Zawahri. (AP Photo)

Dowladda faderaalka soomaaliya  ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkii dhawaan ay ciidanka dowladdu al-shabaab kula galeen deegaanka bariire iyo degmada awdhiigle ay ku dileen sarkaal sare  oo ka tirsan dagaalamyaasha al-shabaab

War qoraal ah oo kasoo baxay dowldda ayaa lagu sheegay in sarkaal lagu magaacbo xuseen ganeey oo ka tirsan al-shabaab lagu dilay dagaaladii ka dhacay gobolka shabeelaha hoose

Dowladda ayaa sheegtay in sarkaalkaan uu al-shabaab u qaabilsanaa dhanka warbaahinta

Waxaana warka dowladda lagu xusay in xuseen ganeey oo aaha sarkaalka ladilay ay lasocdeen ilaa iyo 15 xubnood oo ka tirsanaa al-shabaab kuwaasi oo dowladdu tilmaantay in qaarkoodna ay dileen kuana ay dhaawac uga baxsadeen

Majirto wax wara oo kasoo baxay dagaalamayaasha al-shbaab oo looga hadlayo sheegashada dowladda ee ah in sarkaal sare ay al-shabaab kaga dileen dagaaladii ka dhacay deegaanka bariire iyo demada awdhiigle

 

Oo dowladda iyo alshabaab labduba ay guulo uga sheegteen

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here