Maanta oo talaado ah ayaa waxa lagu wada in dib ay u bilowdaan wadahadalada madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada oo hal maalin ha kad galay
shirka maanta la filayo in uu ka furmo teendhada afisoyooni ayaa waxa diirada lagu saarayaa sii amba qaadida wada xaajoodyada lagu xalinayo khilaafaadka xooganka ee ka taagan arimaha doorashooyinka qaranka
maalmihii aan soo dhaafnay oo ay madaxdu qaateen kulamo hordhac u ah shir weynnaha watashiga qaranka oo gabi ahaanba lagu soo afjarayo arimaha cakiran ee dalka ayaa waxaa aan jirin wax natiijo ah oo laga soo saaray ,waxaana maanta lafilaya in markale madaxdu ay ishorfariistaan markale
madaxda dowlada hogaamiyaasha maamul goboleedyada ayaa wali isku mari la,a qodobo dhowr ah oo shirka la keenay
waxaana ka mid ah kuwo ay wataan madaxweynayasha jubbalnd iyo puntland oo ka aragti duwan madaxda dowladda iyagoona shuruud ugu dhigay in qodobada marka hore laisku fahmo kadibna loo gudbo xalinta arinka laisku khilaafsanyahay
madaxweyne farmaajo ayaa ka dhaga adeygay in uu qaato qodabada ay wadaan madaxweyaasha jubbaland iyo puntland waana tan keentay in fadhiyadalagu kalakaco iyo aan wax natiijo ah la gaarin
beesha caalamka ayaa iyadu meesha ka marneyn ,waxaana madaxda dowladda iyo hogaamiayaasha dowladda goboleedyada cadaadis xoogan ku saartay in wada hadalada aan lajoojin si xal looga gaari arimaha khilaafaadka ah ee hortaagan in dalka ay ka dhacdo doorasho wada ogol ah
qodobada ugu adag ee miiska saaran waa kawada hadlida ajandaha shirka watashiga qaranka ,arinta gobolka gedo hadlida muranka hareeyay xildhibanada matalaya gobolada waqooyi iyo in saamileeyda siyaadeed laga qeyb galiyay shirka
doorashada lafilayay in ay dalka ka dhacdo horaanta sanadkaan ayaa dib u dhacday iyadoo ay hareeyeen muran xoogan oo ku saabsan in doorashadu ay tahay mid hal dhinac ah
waxaana jira baaqyo kala duwan oo loo jeedinayay hogaanka dalka baaqyadaasi oo ku saabsan in si degdeg ah doorasho laisla ogolyahay laqabto

