warqad qoraalka ah oo kasoo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaran ayaa waxa lagu sheegay in gabi ahaanba la xiray dacwadihii loo heystay wasiirkii hore amniga jubbaland cabdirashiid xasan cabdinuur janaan oo dhawaan iskusoo dhiibay dowladda faderaalka soomaaliya
warqadaan oo la ogeysiiyay madaxkamadagobolka banaadir ayaa waxa lagu sheegay in iyada oo laga eegayo dhinacyo badan la laabay kiiskii dacwada ee loo heystay wasiirkii janan
cabdirashiid janan ayaa lagu soo eedeeyay in uu geystay dambiyo badan oo dhanka bini aadanimada ah
waxaan uu in muddo ah baxsad ka ahaa dowladda faderaalka soomaaliya oo qudheeduba sheegtay in cabdi rashiid janan uu yahay dambii le ka baxsaday gacana dowladda




