Qarax Khasaaro Dhaliyay Oo Goordhaw Lala Eegtay Ciidamada Kenya

0

Warar kala ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geeystay oo ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagu eegtay xuduudka ay wadaagaan soomaaliya iyo Kenya

Wararka ayaa sheegaya  in qaraxu uu yimid kadib markii weerar lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada Kenya  xilli ay dhaq dhaqaaq ka gobolka laamuu.

Qasaare kala duwan oo nafeed ayaa ka dhashay weerarka iyo qaraxa lala beegsaday ciidamada Kenya oo marayay deegaan ka tirsan laamuu.

Waxaana la sheegay  in gaari xamuul ah oo ay wateen ciidamada Melleteriga Kenya lagu qarxiyay gobolka Lamu ee dhaca xeebaha wadankaasi kenya.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ,waxaana ay sheegeen in qasaaro xoog leh ay ku gaarsiiyeen ciidanka Kenya

Al-shabaab wararka ay ku baahiyaan bartooda interneetka waxa ay ku sheegteen  qaraxa  ay ku dileen  Darawalkii gaariga waday ciidanka

Sidookalena  askari kale ay ku dhawaceen qarax xoogan oo ay labeegsadeen  gaari wateen ciidamada  Kenya xilli uu ku socdaalayay kumarayay  xuduudda gaar ahaan dhanka Lamu.

Majirto wax war ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay dowladda Kenya oo looga hadlayo qarax lala beegsaday ciidamadooda iyo qasaaraha la sheeegay in la gaarsiiyay.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro toos ah  iyo  qaraxyo la beegsada ciidamada Kenya xiliyada ay kusoc daalayaan wadooyinka dhaca xuduudka

Waxaana guulo dhowr ah ay ka sheegteen weeraro ay ku qaadeen ciidanka Kenya iyagoo intaas ku daray in ay sii laba jibaarayaan weerarada iyo qaraxyada ay la eeganayaan ciidamada Kenya oo ka mid ah ciidanka midowga afrika ee nabad ilaalinta u jooga soomaaliya

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here