Wararka ka imaanaya gobolka gedo ayaa waxa ay kusoo waramayaan in askari ciidamada dowladda uu dil iyo dhaawac ka geeystay degmada dooloow ee gobolkaasi gedo
wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geestay uu ka mid ahaa askartii abdirashiid janan ee dhawaan iskusoo dhiibay dowladda
Askariga dilka geeystay ayaa waxa la sheegay in uu rasaas ku furay ciidamo kale oo ka tirsana dowladda ,waxaana ka dhashay rasaastaasi dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada dowladda
inta la xaqiijiayay hal askari ayaa dhintay laba askarina oo kala waa ay ku dhaaawacmeen si ay wararku sheegayaan
askariigii dilakaasi ka dambeeyay ayaa waxa la tilmaamay in uu goobta iskagaga baxsaday kadib markii uu falkaasi geeystay
ciidamada dowladda ayaa haatan degmada dooloow ka wada howlgalo balaaran oo ay ku baadigoobayaan askarii dilka iyo dhaawaca ka geeystay degmada
lama oga sababta rasmi aga ah ee keentay in askarigaan dhawaan kusoo biiray ciidanka dowladda uu rasas ku furo ciidamo kale oo ku cabdirashiid janan ka mid ahaa

