Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Deegaano Duleedka Ka Ah Magaalada Dhuusamareeb

0
warkasoo baxay war baahinta dowladda ayaa waxa lagu sheegay in Ciidamada Dowlada Federaalka ay si rasmi ah ula wareegey gacan ku heynta Deegaanada koonfureed ee Magaalada Dhuusamareeb
idacaada ku hadasha afka ciidanka dowladda ayaa sheegtay in  deegaanada  Sinadhaqo iyo labi-dulle oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha  Alshabaab ay la wareegeen ciidanka dowladda
waxaana dowladdu ay sheegtay in al-shabaab  ay halkaasi ka soo abaabuli jiray falalka arbushaada ah ee dhaca jidka iskuxira degmooyinka  Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka galgaduud .
Ciidamada Dowlada ayaa la sheegay in si rasmi ah ula wareegey fariisimihii al-shabaab  oo ay kujiraan saanad Ciidan , Waxaana aagaan ka dhacey dagaalo culus oo qasaaro badan uu ka dhashay dowladduna ay sheegtay in Alshabaab ay gaarsiiyeen.
Taliyaha Guutada 15-aad, Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Gen: Mascuud Maxamed Warsame oo ka mid ah Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkan ayaa tilmaamey in Ciidamadu ay wali kusii raad joogaan dagaalamayaasha ka tirsan al-shabaab oo ka baxsaday  sida uu hadalka u dhigay
waxaana uu sheegay in aysan ka hari doonin goobaha ay ku suganyihiina ay uga daba tagayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here