Al-Shabaab Oo War kasoo Qaraxii Xalay Ka Dhacay Muqdisho

0

iyadoo xalay qarax qasaare kala duwan geeystay uu ka dhacay maqaayad ku taal magaalada muqdisho muqdisho ayaa waxa qaraxaasi guulo ka sheegtay dagaalamayaasha al-shabaab

al-shabaab wararka ay dhinaca barahooda interneetka ku baahiyaan waxa ay ku sheegteen in ciidamo iyo saraakiil ka tirsan dowladda ay ku dileen qaraxii xalay ka dhacay muqdisho

war kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa oo uu fuliyay qof  qarax isku soo xiray islamarkaasna ay ku  dileen 15 qof oo dowladda katirsan

“15 askari oo isugu jira Boolis,saraakiil dharcad ah iyo shaqaale dowladda katirsan ayaa ku dhintay weerar oo ka dhacay maqaaxi kutaal degmada Shangaani” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-shabaab.

Sidookale al-shabaab ayaa sheegay in Degmada Shangaani ee uu qaraxu ka dhacay ay tahay goob ay aad ugu xooggan saraakiisha Nabad sugidda dowladda sidaasna ay u bartilmaameeedsadeen.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here