Maxaa Kasoo Kordhay Qaraxii Xalay Ka Dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qasaaralaha ka dhashay qarax xoogan oo xalay ka dhacay magaalada muqdisho

Qaraxaan oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay goob maqaaxi oo ku taal xaafada sadaxda geed ee dagmada shangaani

Wararka ayaana sheegaya in Qof iskusoo xiray waxyaabaha  uu iskugu qaraxiyay goob shaaha laga cabo oo ay ku sugnaayeen dad u badnaa  dhalinyaro

Qarasaaro kala duwan oo iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaani

Waxaa ku dhintay inta laxaqiijiyay 6 ruux oo uu ku jiro qofkii ismiidaamiayaha ahaa

Dowladda feraalka soomaaliya oo warkasoo saartay qaraxaan ayaa sheegtay In xaay  fiidnimo uu qof isku soo xiray walxa qarxa uu isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhalinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo qofkii isqarxiyay  iyo dhaawaca 4 kale, barxada 5ta geed ee agagaarka Saldhiga Boliiska Degmada Shangaani.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka tacsiyadeeyay Qaraxii caawa ka dhacay degmada Shangaani.

Inaa Lillaahi Wa Innaa Ileehi Raajicuun.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish oo ka tacsiyadeenaya Falkii Caawa ka dhacay degmada Shangaani ayaa yiri.

“Anigoo ku hadlaayo Magaceeyga, kan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Hoose ee Xamar waxaan tacsi tiiraanya leh u diraaya Qoysaskii iyo Ehelkii ay ka baxeen Walaalihii Soomaaliyeed ee ku dhintay  qaraxii xalay ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay bulshada isugu yimaadaan oo kutaala degmada Shangaani, waxaan sidoo kale caafimaad deg deg ah Alla uga baryaaya in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ”.

Inta badan xiliyada habeenkii ayaa waxa  magaalada muqdisho ka dhaca qaraxya waaweyn oo qasaaro kala duwan dhimasho iyo dhawac badan leh sababa

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here