Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay sarkaal ka tirsanaa ciidamada maamulka puntland loogu geeystay gudaha magaalada galkacyo
Sadax rag oo bastooladu ku hubeysan ayaa waxa la sheegay in xalay ay waqooyinka magaalada galkacyo ku dileen sarkaal ka tirsan ciidanka dowlad goboleedka puntland gaar ahaana qeybta dambi barista
Sarkaalka la dilay ayaa waxa lagu soo waramayaa in lagu magacaabi jiray cumar maxamed samatar ,waxaana la sheegay in la dilay xili fiid ah oo uu gurigiisa usii socday
Intaasi kadib ciidamada amaanka maamulka puntland ayaa waxa ay waqooyiga magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ka bilaabay howlgalo qorsheysan kuwaas oo ay ku baadi goobayaan ragii dilay sarkaalkaan ka tirsanaa ciidanka puntland
Taliyaha ciidanka booliska magalaada gaalkacyo ee qeybta puntland muumin cabdi shire oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka war bixiyay howlgalada saacadiihii ugu dambeeyay ay ciidanka puntland ka sameeyeen waqooyiga magaalada gaalkacyo
Waxaana uu sheegay in ciidanka amaanku ay ku guuleeysteen in ay gacanta kusoo dhigaan nin lagu tuhmayo in uu ka mid ahaa ragii ka dambeeyay dilka sarkaal ka tirsanaa ciidamada dambi barista puntland
Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in wali ciidamada amaanka puntland ay wadaan howlgalada islamarkaasna ay ku raad joogaan rag kale oo ka baxasaday kuwaasi oo ka dambeeyay dilkii xalay ka dhacay magaalada galkacyo
Inta badan dilal ka qorsheysan oo nuucaani oo kale ah ayaa ka dhaca magaalada gaalkacyo xiliyada habeenkii ah dilalkaasi oo ay geystaan rag aan heybtooda la garaneyn

