Sarkaal ka tirsan Ciidanka Puntland Oo La dilay Iyo Howlgalo Socda

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay sarkaal ka tirsanaa ciidamada maamulka  puntland loogu geeystay gudaha magaalada galkacyo

Sadax rag oo bastooladu ku hubeysan ayaa waxa la sheegay in xalay ay waqooyinka magaalada galkacyo ku dileen sarkaal ka tirsan ciidanka dowlad goboleedka puntland gaar ahaana qeybta dambi barista

Sarkaalka la dilay ayaa waxa lagu soo waramayaa in lagu magacaabi jiray cumar maxamed samatar ,waxaana la sheegay in la dilay xili fiid ah oo uu gurigiisa usii socday

Intaasi kadib ciidamada amaanka maamulka puntland ayaa waxa ay waqooyiga magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ka bilaabay howlgalo qorsheysan kuwaas oo ay ku baadi goobayaan ragii dilay sarkaalkaan ka tirsanaa ciidanka puntland

Taliyaha ciidanka booliska magalaada gaalkacyo ee qeybta puntland  muumin cabdi shire  oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka war bixiyay howlgalada saacadiihii ugu dambeeyay  ay ciidanka puntland ka sameeyeen waqooyiga magaalada gaalkacyo

Waxaana uu sheegay in  ciidanka amaanku ay ku guuleeysteen in ay gacanta kusoo dhigaan nin lagu tuhmayo in uu ka mid ahaa ragii ka dambeeyay dilka sarkaal ka tirsanaa ciidamada dambi barista puntland

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in wali ciidamada amaanka puntland ay wadaan howlgalada islamarkaasna ay ku raad joogaan rag kale oo ka baxasaday kuwaasi oo ka dambeeyay dilkii xalay ka dhacay magaalada galkacyo

Inta badan dilal ka qorsheysan oo nuucaani oo kale ah ayaa ka dhaca magaalada gaalkacyo xiliyada habeenkii ah dilalkaasi oo ay geystaan rag aan heybtooda la garaneyn

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here