Maanta oo arbaca waxa kulan xasaasi ah u balansan xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka faderaalka soomaaliya ,waxaana kulankaan laga muujiyay baqdin xoogan
Xildhibaanada golaha shacabka ay maanta yeelanayaan ayaa waxa ajendihiisa la sheegay in lagu daray qodobo cusub oo ay xildhibaanadu ka doodayaan
waxaana jirta in kulanka xildhibaanada golaha shacabka uu dhowr jeer baaqday kadib markii arbushaad iyo buuq farabadan uu hareeyay
ajendaha kulanka ayaa horay u ahaa
cudurka Covid19 iyo U Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga M/B ee Xuduudaha
balse waxa la sheegay in lagu soo daray U Codeyn Sharciga Qaxootiga Qaranka
qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa maanta kulanka ganaax uga maqan ,waxaana la cabsi qabaa in kulanka ay yimaadaan xildhibaanada la ganaaxay oo ay ka dhalato isku dhac hubeysan
sidookale xubnaha mucaaradka ayaa cabsi qabo in muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowladda oo waqtigoodu dhamaaday
xildhibanaada golaha shacabka ayaa kulankaan isniintii uu ka baaqday ,waxaana maanta uu yahay mid isha lagu wada hayo

