Ciidanka Dowladda Iyo kuwa Jubbaland Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Jubbada Hoose

0

Warar ka imaanaya gobolada jubbooyinka ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamada maamulka jubbaland  oo garabka helaya ciidanka dowladda faderaalka soomaaliya ay howlgalo balaaran oo miina baaris ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka jubbada hoose.

Deegaanada sida gaar ah howlgalada laga fuliyay ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ay kala yihiin dheeycabdow, mayoonde iyo buula,kuusow oo dhamaantood ka tirsan gobolka jubbada hoose

Waxaana la sheegay in howlgalka ay iska kaashadeen Ciidamada Xooga dalka   Ururka 5aad  Guutada 16-aad ee ciidanika  Kumaandooska ee  Danab iyo ciidamo ka titrsan kuwa maamulka jubbaland

Saraakiisha ciidamada ee howlgalada hogaaminayay ayaa waxa ay sheegeen ijn howlgalka u jeedkiisu uu ahaa sidii dagaalamyaasha al-shabaab ay kaga saari lahayeen deegaanadaasi iyo sidii ay wadooyinka uga saarilahaayeen miinooyinka ay al-shabaab ku aaseen

saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalka ay qasaaro xoogle ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha al-shabaab islamarkaasna ay dhowr miino oo ay aaseen ay wadooyinka ka bixiyeen

ciidamada dowladda ayaa mudooyinkii dambe kordhiayay howlgalada ay sameeynayaan kuwaasi oo ay sheegeen in ay ku bartilmaameedsanayaan goobaha ay ku suganyihiin dagaalamayaasha al-shabaab

waxaana ay guulo ka sheegteen dhowr howlgal oo ay ciidanka dowladda oo garabka helaya amison iyo kuwa maamulka jubbaland ay ka fuliyeen gobolada jubbooyimka deegaanada ku yaala.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here