warar aan ka helayno Gobolka sanaag ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maantay xiisad dagaal oo u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed ay ka taagantahay deegaan ka tirsan gobolka ka tirsan sanaag
Xiisadaan ayaa waxa la sheegay in ay u dhexeyso laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda maamulada soomaaliland iyo puntland ,waxaana xusid mudan in labada beelood ay horay dhawaan diriri u dhexmartay deegaanka maantay xiisadu ka aloolsantahay ee shidan oo dhaca gobolkaasi sanaag .
labada maamul ee puntland iyo Soomaaliland ayaa hanjabaad iyo kala duwan hawada isku marinaya iyadoona midba midakale uu ku eedeenayo in colaada uu ka dhex hurinayo labada beelood ee wadada daga deegaanka shidan
Maamulka puntland ayaa hanjabaad culus u diray soomaaliland taasi oo ku aadan dagaal iyo xiisada ka taagan deegaanka shidan ee gobolka sanaag
Afhayeenka madaxtooyada maamulka puntland Jaamac Yuusuf Dabaraani ayaa waxa uu maamulka soomaaliland uga digay hurinta colaada labada beelood ee wadada daga deeganka shidan,Waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in soomaaliland ay ka waantowdo shidida dab colaadeed oo dhiig ku daato.
dhankale afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in soomaaliland ay ugu baaqayaan in ay ka shaqeyso nabada iyo xasiloona labada beelood islamarkaasna ay uga digayaan hurinta colaada oo uu sheegay in ay hada ka wado deegaanka shidan ee gobolka sanaag
Afhayeenka madaxtooyada puntland ayaa waxa uu ugu dambeynti sheegay in nabadeynta beelaha dirirtu ku dhexmartay deegaanka shidan loo baahanyahay in loo madax banaaneeyo in ay joojiyaan odayaasha dhaqanka labada beelood
Soomaaliland iyo puntalnd laba beeleed oo kala taabacsan ayaa mudooyinkii dambe colaadoodu ka taagneyd gobolka sanaaag ,waxaana jirtay inlabada dhinac ay laka safnayeen labada beelood taasi oo keentay in colaadu ay sii badato

