Warar ka imaanaya gobolada jubbooyinka ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamada maamulka jubbaland oo garabka helaya ciidanka dowladda faderaalka soomaaliya ay howlgalo balaaran oo miina baaris ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka jubbada hoose.
Deegaanada sida gaar ah howlgalada laga fuliyay ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ay kala yihiin dheeycabdow, mayoonde iyo buula,kuusow oo dhamaantood ka tirsan gobolka jubbada hoose
Waxaana la sheegay in howlgalka ay iska kaashadeen Ciidamada Xooga dalka Ururka 5aad Guutada 16-aad ee ciidanika Kumaandooska ee Danab iyo ciidamo ka titrsan kuwa maamulka jubbaland
Saraakiisha ciidamada ee howlgalada hogaaminayay ayaa waxa ay sheegeen ijn howlgalka u jeedkiisu uu ahaa sidii dagaalamyaasha al-shabaab ay kaga saari lahayeen deegaanadaasi iyo sidii ay wadooyinka uga saarilahaayeen miinooyinka ay al-shabaab ku aaseen
saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalka ay qasaaro xoogle ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha al-shabaab islamarkaasna ay dhowr miino oo ay aaseen ay wadooyinka ka bixiyeen
ciidamada dowladda ayaa mudooyinkii dambe kordhiayay howlgalada ay sameeynayaan kuwaasi oo ay sheegeen in ay ku bartilmaameedsanayaan goobaha ay ku suganyihiin dagaalamayaasha al-shabaab
waxaana ay guulo ka sheegteen dhowr howlgal oo ay ciidanka dowladda oo garabka helaya amison iyo kuwa maamulka jubbaland ay ka fuliyeen gobolada jubbooyimka deegaanada ku yaala.

