Rag Hubeysan Oo Dilay Iyo Dhaawac Ka Geystay Magaalada Hargeysa

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilka iyo dhaawac  saacadiihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan maamulka soomaaliland

Kooxo midiyo ku hubeysan ayaa waxa la sheegay in  gudaha magaalada hargeysa ay ku dileen dad shacab ah kuwaas oo la sheegay in ay doonayeen in ay dhac u geystaan.

Waxaana lagu soo waramayaa in weerarkaasi ay kooxaha hubeysan ka fuliyeen magaalada hargeysa uu ka dhashay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Inta xaqiijiyay hal ruux ayaa geeriyooday kadib markii lasheegay in rag hubeysan ay tuurey dhowr jeer ku dhufteen

Sidookalena waxa la sheegay in hal qof oo kale uu ku dhaawacmay islamarkaasna uu ka baxsaday ragaasi hubeysanaa

Waxaana la tilmaamay in haatan lagu dabiibayo mid ka mid ah isbitaalada waaweyn eek u yaal magalaada hargeysa ee caasiamada maamulka soomaaliland

Warar qaar oo aan ka helayno magaalada hargeysa ayaa sheegaya in raga dilka geystay ay ahaayeen burcad doonayay in dhac u geeystaan dhalinyaro iyaguna ay ka biyadiideen taasina ay keentay in latooreeyeeyo

Kooxdii hubeysneyd ee dilka geystay ayaa la sheegay in goobta ay iskaga baxsadeen dilka kadib

Ciidamo ka tirsan kuwa boolisika soomalailand ayaa la sheegay in goobta ay gaareen islamarkaasna ay halkaasi ka qaadeen meyd qofka la dilay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here