Kulankii Maanta Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Baaqday

0
Maanta Oo Isniin ah ayaa waxa kulan u balansanaa xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka soomaliya balse waala baajiyay sababo jira awgood
kulkaan ayaa waxa uu ahaa mid xasaasi ah oo si aad ah looga dhursugayay qansoomidiisa kadib markii uu  buuq hareeyay  ku baaqday kulankii kan ka horeyay
Waxaana la sheegay in xildhibaanada loo diray fariimo ku aadan in kulanka maanta oo isniin ah loo balansanaa uu baaqday islamarkaasna dib loogu dhigay arbacada
Agendaha kulanka  maanta loo balansanaa ayaa ahaa  Caabuqa COVID19 iyo  u Codeyn 2 xubnood ee Guddiga M/Banaan ee Xuduudaha
mudooyinkii dambe ayaa waxa muran uu hareeyay kulanka xildhibaanada golaha shacabka kadib markii xildhibaadu la sheegay in ay ukala jabeen laba dhinac oo ah mucaarad iyo muxaafad
Waxaana xusid mudan in ganaax qoorta loo suray xildhibaano arbushaad ku sameeyay islamrkaasna baajiyay kulankii sabtida ee xildhibaanada golaha shacbka
dhanka xildhibaanada la ganaaxay ayaa gudoomiyaha golaha shacabka ku eedeeyay in uu u afduubanyahay madaxweyne farmaajo islamarkaasna uu doonayo in muddo kordhin in uu usameeyay
Haatan arbacada oo 31 bishaan ah  ayaa waxa la sheegay in kulanka uu dhacayo  islamrkaasna loo balansanyahay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here