Waxaa maanta lagu wada in kulan ay wada qaataan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka iyo raiisul wasaaraha xilgaarsiinta maxamed xuseen rooble
kulankaan ayaa waxa ay wararku sheegayaan in la filayo in uu ka dhaco hoteol kuyaal agagaarka goroonka diyaaradaha aadan cadde ee muqdisho
waxaana la sheegay in looga hadlayo arimo badan oo kusaansan khilaafka madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada iyadoona la tilmaamay in la doonayo in kulankaan lagu xaliyo khilaafka iyo muranka u dhexeya labada dhinac
warar qaar ayaa sheegaya in kulanka ay maanta u balansanyihiin raiisul wasaare rooble iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada diirada lagu saarayo sii uu u qabsoomilaha shirka guud arimaha doorashooyinka lagu lafa gurayo oo ay yeelanayaan madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira
kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya xili lagu wado in maalmalaha soosocday uu ufurmo shir udhexeeya madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada kaasi oo la filayo in lagu xaliyo arimaha cakiran ee dhanka doorashada iyo guud ahaan xaaladaha siyaasadeed ee dalka
Dhamaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa kusugan magaalao madaxda dalka ee muqdisho waxaana qaar kood ay diidan yihiin in madaxda dowladda ay hortagaan iyadoo aan la tusin agendaha shirka iyo wax kasta oo ku saabsan shirkaas ama looga hadlayo
beesha caalamka ayaa la sheegay in wali ay wado caadis ka madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada iyo siidii shirkaasi ku dhici lahaa ,waxaana la sheegay in la amray in khilaafaadka la dhameeyo oo aan la aqbali karin doorasho aan laisku waafaqsaneyn

