Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

0

Wararka ka imaanaya dalka koonfur afrika ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay kooxo bucad koonfur afrikaan ah ay  gudaha dalkaasi ku dilay muwaadin soomaaliyeed oo ku ganacsanayay dalkaasi  koonfur afrika.

Waxaana la sheegay in wiil dhaliyaro soomaali ah lagu dilay  Magaalada Cape Town

Alle ha u naxariistee marxuumka ayaa waxa  Magaciisa lagu sheegay  Abdullahi Abdirahman Sheikh Ali isagoo xiliga la dilayay ku sugnaa Deegaanka Belhar oo ka tirsan Magaalada Cape Town Ee Dalkaasi  Koonfur Afrika

wararka ayaa sheegaya in muwaadinka  la dilay loogu tagay goobtiisa  ganacsi  islamarkaasna ay rasaas ku fureen rag hubeysan

Waxaana la sheegay in marxuunka ay Afar xabadood Wadnaha iyo qaarka sare ee jirkiisa ay ka haleeleen

Iyadoona wararku ay sheegayaan in marxuunka uu ugeeriyooday rasaastaasi lagu dhuftay

Waxaana la sheegay in goobta ay iskaga baxsadeen ragii burcadka ahaa ee ka dambeyay dilka muwaadinka soomaaliyeed

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here