Puntland Oo Heshiis Kala Dhaxdhigtay Beelo Ku Dagaalamayay Deegaanka Ka tisan Sool

0

warar ka imaanaya gobolka sool ayaa waxa ay kusoo waramayaan in masuuliyiin ka tisan maamulka puntland ay heshiis nabadeed kala dhaxdhigeen beelo walaalo ah oo in muddo ah ku dagaalamayay deegaanka dhuumood ee gobolka sool.

labada beelood ee la heshiisiiyay ayaa waxa la sheegay in ay isku heysteen dhul daaqsimeed iyo ceelal biyoodyo

Masuuliyiin iskugu jirtay xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan puntland iyo maamulka gobolada sool iyo nugaal ayaa heshiiska nabadeed hogaaminayay
wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha maamulka puntland ayaa waxa uu sheegay in xalwaara laga gaaray colaad beeleedkii iyo murankii ka jiray deegaanka dhuumood ee gobolka sool ,Waxaana uu sheegay in lagu guuleeystay in heshiis nabadeed lagu dhameeyo murankaasi jiray.

Masuuliyiintaan ka tirsanaa maamulka puntland oo nkulamo dhowr ah la yeeshay odayaasha dhaqanka ee deeganka ayaa waxa lais la qaatay in nabada laga shaqeyo islamarkaasna khilaafka lasoo afjaro

wararka ayaa tilmaamaya in lagu guulestay sidookale in lakala qaado maleesho labada beelood ah oo halkaasi isku hor fadhiyay

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here