Shil Gaari Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Daljirka Daahsoon

0

Wararka naga soo gaaraya degmada boondheere ayaa waxa ay kusoo waraqmayaan in shil gaari oo qasaare kala duwan geystay uu ka dhacay aaga taalada daljirka daahsoon ee dagmadaasi boondheere

Shilka ayaa waxa la sheegay in uu yimid ka dib markii la sheegay in uu fariin goostay gaari weyn oo nuuca camuulka qaadaha islamarkaasna uu jeeray dad iyo qeyb ka mid ah darbiga taalada daljirka daahsoon sida ay wararku sheegayaan

Qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaan in uu ka dhashay shilkaani gaari
Inta la xaqiijiyay hal ayaa la sheegay in uu ku dhintay iyoona tira kale ay ku dhaawacmeen shirkaan gaari

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu ku fariingoostay bar koontrool oo ciidanka dowladdu ay gawaarida ku hubiyaan oo ku taal aaga taalada dal jirka daahsoon

Waxaa la sheegay in dadka uu jeeray ay ahaayeen ciidamadii dowladda ee halkaasi ku sugnaa kuwaasi oo la tilmaamay in hal askri uu dhintay mid kalana uu dhaawacmay

Shilalka gaari ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay gudaha magaalada caasimada ah ee muqdisho
Maalmo ka hor ayay aheyd markii gaari weyn oo nuuca xamuul ka qaada uu qasaare geeystay ku galay isgooska siinay ee magalaada muqdisho

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here