Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Ka Dhan ah Al-Shabaab Ka Fuliyay Deegaano Ka Tirsan Shabeelaha Hoose

0

Ciidamada Dowladda ayaa howlgalo qorsheysan saacadiihii lasoo dhaafay ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka shabeellaha hoose

Ujeedka howlgalkani ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen degaano katirsan gobolka shabeelaha hoose ayaa ahaa  xaqiijinta amaanka deedaanadaasi iyo Dagaalka ka dhan ah dagaalamayaasha al-shabaab.

Ciidanka ayaa howlgalka lagu xaqiijinyay amaanka waxa ay ka  sameeyay degaanada kala ah  Xanshooley, Waraaboole, Doonweeyne, Kaxarow, Bullalow, Maguurta-Baalgure, Cumar Beere.

Ciidanka xoogga dalka ayaa degaanada howlgalada ay kasameeyeen shacabka kudhaqan waxay uqeeybiyeen raashiinka fudud iyo daawooyin ay ubaahi qabeen madaamaa ay yihiin dad danyar ah.

saraakiisha ciidanka dowladda ee howlgaladaan horkacayya ayaa waxa  ka mid ahaa Cabdulaahi Mustafa Cali(Madaale qaran) waxaaana uu warbaahinta dowladda usheegay in  shacabka kudhaqan degaanadii  howlgalka ay kasameeyeen inay kaga mahadceliyeen daawooyinka iyo raashiinka ay uqeeybiyeenisaga oo tilmaamay in ciidanku  ay kajareen raashiinkii iyo daawooyinkii ay wateen looguna talagalay inay isticmaalaan.

Taliye Cabdulaahi Mustaf ayaa intaasi kudaray in ciidanka xoogga dalka ay utaaganyihiin caawinaada shacabkooda iyo difaacooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here