Ciidamada Dowladda ayaa howlgalo qorsheysan saacadiihii lasoo dhaafay ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka shabeellaha hoose
Ujeedka howlgalkani ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen degaano katirsan gobolka shabeelaha hoose ayaa ahaa xaqiijinta amaanka deedaanadaasi iyo Dagaalka ka dhan ah dagaalamayaasha al-shabaab.
Ciidanka xoogga dalka ayaa degaanada howlgalada ay kasameeyeen shacabka kudhaqan waxay uqeeybiyeen raashiinka fudud iyo daawooyin ay ubaahi qabeen madaamaa ay yihiin dad danyar ah.
saraakiisha ciidanka dowladda ee howlgaladaan horkacayya ayaa waxa ka mid ahaa Cabdulaahi Mustafa Cali(Madaale qaran) waxaaana uu warbaahinta dowladda usheegay in shacabka kudhaqan degaanadii howlgalka ay kasameeyeen inay kaga mahadceliyeen daawooyinka iyo raashiinka ay uqeeybiyeenisaga oo tilmaamay in ciidanku ay kajareen raashiinkii iyo daawooyinkii ay wateen looguna talagalay inay isticmaalaan.
Taliye Cabdulaahi Mustaf ayaa intaasi kudaray in ciidanka xoogga dalka ay utaaganyihiin caawinaada shacabkooda iyo difaacooda.

