Dagaal Khasaare Geeystay Oo Ka Dhacay Gaalkacyo

0

wararka imaanaya gobolka mudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay uu dagaal qasaare geeystay uu ka dhashay uu ka dhacay waqooyinka magaalada gaalkacyo

Dagaalkaan ayaa waxa ay wararku sheegayaan in uu yimid kadib markii ciidamada maamulka puntland ay howlgalo ku qaadeen goob la sheegay in lagu iibiyo waxyaabaha maanka doonriya ,waxaana la sheegay in halkaasi uu iska hor imaad ku dhexmaray ciidanka iyo rag hubeysan oo goobta ku sugnaa

wararka kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalkaani ,waxaana lagu soo waramayaa in qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac in uu ka dhashay dagaalka

inta la xaqiijiyay waxa dagaalka ku geeriyooday hal qof oo ahaa nin qamri iibinayay halka ay ku dhaawadcmeen sadax askari iyo halka qof kale oo shacab ahaa

in muddo ah ayaa la sheegay in iska hor imaadku uu socday islamrkaasna waxa la sheegay in ciidanku ay doonayeen in ay gacanta ku dhigaan dadkaan isticmaayayay maandooriyaasha sida qamriga iyo wayaabakale

waxaana la tilmaamay in ciidanka puntland aysan usuurtagalin in ay gacanta ku dhigaan ragaasi qaar kood hubeysnaayeen

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here