War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa lagu cambeereeyay weerarkii dagaalamayaasha Al-Shabaab xalay ay ka fuliyeen maqaayad dad badan ay isugu yimaadaan oo ku dhow Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.
“ Waxaan si xooggan u cambaareyneynaa weerarka argagixiso, waxaana uga tacsiyeyneynaa walaalaheena Soomaaliyeed iyo Dowladooda intaba, kuwii ku naf waayay Alle ha u naxariisto, kuwa dhaawac ahna Alle ha u boogo dhayo,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada Turkiga.
Dowladda Turkiga ayaa ku celisay in ay sii wadeyso taageerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya iyo la dagaalanka al-shabaab .
Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in 10-Qof ay geeriyootay weerarka maqaayadda Luul Yemeni, halka sodomeeyo kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo qaar ka mid ah goobaha caafimaadka eek u yaalo Muqdisho.
qaraxii xalay ka dhacay maqaayada luul yamani ayaa waxa uu kusoo aadaya xili ciidamada dowladda ay intooda badan xireen wadooyinka magalaada magalaada islamrkaasna bananbaxayo in ay dhacaan laga qabsi qabay ay baaqdeen.

