Ciidanka ammaanka ee Puntland ayaa waxa ay sheegeen in gacanta ay kusoo dhigeen maxabiis haben ka hor laga la baxay jeelka weyn ee magaalada boosaabo islamrkaasna ay haadan wali daba socdaan ragii weeraray jeelka wayn ee Boosaaso.
Maamulka puntland waxa ay sheegtay in xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay soo weerareen jeelka ayna maxaabiis badan kasii daayeen kuwaasi oo ay sheegeen in ay ka daba tageen islamrkaasna ay maxaabiis taas qaarkood gacanta kusoo dhigeen.
al-shabaab oo ka hadlay weerarkii ka dhacay magaalada boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in weerarkaasi ay ka dambeeyeen dagaalamayaal ka tirsan islamrkaasan ay xabsiga ka sii daayeen maxaabiis bdan.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo galabta gaaray magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida.
“Madaxweynaha Safarkiisa waa mid shaqo, wuxuuna la xiriira u kuurgelidda xaaladda amni ee magaalada iyo guud ahaan Gobolka, isagoo kulamo la qaadanaya saraakiisha Amniga iyo mas’uuliyiinta kale ee Gobolka Bari”.ayaa lagu yiri qoraal looga hadlayay socdaalka Madaxweyne Puntland.

