Kooxa Hubeysan Oo Weerar Khasaaro Geeystay Ka Fuliyay Dhuusamareeb

0

wararka ka imaanaya gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in rag midiyo ku hubeysan ay xalay weerar ka fuliyeen magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamulka galmudug.

Ragaan ayaa waxa la sheegay in ay ahaayeen burcad doonaeysay in dad ka shacab ah ay ka furdaan moobilada , lacagta iyo agabyada kala duwan ee ay wataan

waxaana la sheegay in ragaan burcada ah ay siyaabo kala duwan ay sadax qofood ay midiyo ugu dhaaweceen Xaafadaha Horseedi, Waabari iyo Waxarcade oo dhamaantood ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb.

saraakiil ka tirsan laamaha amniga galmudug oo ka hadlay weerarkaani ayaa waxa ay sheegeen in sadax qofood oo mid ka mid ah uu dhaawiciisu culus yahay ay kooxo hubeysan ku tooreeyeeyeen magalaada dhuusamareen

waxaana ay sheegeen saraakiishu in qofka dhaawiciisu culus yahay tooreydu uga dhacday caloosha haatana lagu dabiibayo isbtaalka weyn ee magaalada dhuusamreeb .

Ciidamo ka tirsan hey’addaha Amniga dowladda ayaa waxa la sheegay in durbadiiba howlgalo ka bilaabeen xaafadaha ay weeraradu ka dheceen
weerarkaan ayaana la tilmaamay in uu yahay mid ku cusub deegaanada hoosyimada magaalada dhuusamareeb islamrkaasna oo aan horay loogu arag kooxo iskusoo abaabulay siidii dadka shacabka ah moobeelada uga furan lahayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here