Maamulka Puntland ayaa ka hadlay weerarkii xalay dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ay ku qaadeen Xabsiga Magaaladda boosaaso ee Gobolka Bari.
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha xabsiga weyn ee Magaaladda Boosaaso, ayaa si kooban kaga hadlay weerarka shabaab ay ku qaadeen Xabsiga Mgaaaladda Boosaaso.
Taliyaha ayaa sheegay ayaa sheegay in dableydii xalay soo weerartay xabsiga ay Ciidamadu cagta mariyeen, islamarkaana ay carareen sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in Laamaha Amniga Gobolka Bari ay ku guulaysteen soo af-jaridda hawlgalka, balse ay jiraan dad xabsiga ka baxsaday, kuwaas oo qaarkood dib loo soo qabtay.
Khasaaraha weerarka ayuu ku sheegay hal askari oo dhimasho ah iyo laba dhaawac ah, isagoo xusay in ay dib ka faahfaahin doonaan wixi ka soo kordha khasaaraha dagaalkaas.

