Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarkii Lagu qaaday Xabsiga Magaaladda Boosaaso ee Gobolka bari.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in howlgal guuleystay uu ka dhacay xarunta gobolka Bari “Ciidamada Shabaab ayaa howlgal guulaystay oo ay xalay ka fuliyeen xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso waxay kusoo furteen dhammaan maxaabiistii muslimiinta ahaa ee cadowga uxirnaa, Alle fadligiis dadka lasoo daayay waxay ka badanyihiin 400 oo maxaabiis ah waxaana kamid ahaa rag Ka Tirsanaa Shabaab ” sidaas ayaa lagu yiri war ay baahisay warbaahinta Shabaab.
Sida wararku sheegayaan weerarkii xalay waxaa ciidamada maamulka Puntland looga gubay illaa sedax gaari, dadka lagasii daayay xabsiga Boosaaso ee afarta boqol ee qof gaaraya waxaa kamid ahaa rag katirsanaa Shabaabul Mujaahidiin kuwaas oo xabsiyada ku xirnaa illaa waqtigii uu xilka hayay Cabdi Raxmaan Faroole.
Dadka lagasii daayay xabsiga Boosaaso waxaa kamid ahaa dad shacab ah kuwaas oo si gardarra ah ugu xirnaa xabsiga, khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la sheegay in uu ka dhashay dagaalkii cuslaa ee xalay ka dhacay xarunta gobolka Bari.
ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dagaalyahanada Al Shabaab ee weerarka qaaday ay dib uga gurteen Boosaaso kadib markii ay xalay qabsadeen Xabsiga weyn ee magaalada ayna furteen dhammaan maxaabiistii ka xirnaa.

