warar ka imaanaya gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay Deeganka Mirocowleed oo hoostaga Cadaado lagu dilay laba nin oo gaari yarwatay
raga dilka geeystay ayaa waxa la sheegay in ay ahaayeen maleeshiyaad u abaabulan habbeeleen islamrkaasna ah Maleeshiyo Kasoo Jeeda Deegaanka Dhabad ee Gobolka Galgaduud ay xalay Xili danbe toogasho ku dileen laba nin oo watay Gaari yar oo qaad siday.
wararka ayaa sheegaya in labada nin ee la dilay kasoo jeedaan deegaan ahaan Magaalada Galinsoor ee Gobolka Mudug.
waxaana lagu soo waramayaa in saakay ay xiisad ka dhalatay dilka labada nin ay ka taagantahay gobolka galgaduud islamrkaasna si aad ah loo hadal hayo
inta badan Maleeshiyaad hubeysan ayaa si macnadara ah ah iskaga dila dad ku safraya gobolka galgaduud
waxaana la sheegaa in dilalkaasi ay la xariiraan aanooyin qabiil

