Rag Hubeysan ayaa xalay waqooyinga magalaada gaalkacyo ee dhanka puntland ku dileen alaha unaxariistee wariye jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa rug cadaayaasha saxaafadeed
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilka wariye jamaal ,waxaaba ay sheegeen in rag ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay howlgalo ay ka sameeyeen galkacyo ku dileen wariyahaani.
Al-shabaab wararka ay barahooda intarneetka ku baahiyaan waxa ay ku sheegteen in ay dileen jamaal faarax aadan oo ay sheegeen in uu ahaa askari ka tirsanaa sirdoonka maamulka Puntland gaar ahaan qeybta dharcadka.
waxaana al-shabaab ay sheegeen ninkaan xalay ay ku dileen gudaha magaalada galkacyo uu ahaa jaajuus inta badan nafta u keenay islamrkaasna ay tilmaameen in uu ahaa mid dadka muslimiinta ah dhibaateen jiray
masuuliyiin ka tirsan maamulka puntland ayaa ka tacsiyadeedyay geerida wariye jamaal faarax aadan , waxaana ay si aad ah u cambaareeyeen dilka loo geeystay marxuunka.
waa wariyihii ugu horeeyay oo lagu dilo dalka marka laga soo tagay wariye ka tirsana warbaahinta dowladda oo lagu dilay muqdisho

